Meles Zenawi oo lagu aasay Addis Ababa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 September, 2012, 14:07 GMT 17:07 SGA

Meles Zenawi waxa uu ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara Ethiopia

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Ethiopia, Meles Zenawi ayaa lagu aasay kaniisadda Cathedral-ka ee magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka.

Hoggaamiyayaal ka kala socday Afrika iyo caalamka intiisa kale ayaa ka qeybgalay aaskiisa, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, oo sheegay in Mr Meles uu ahaa nin u huray wax uu ku tilmaamay aragtidiisi weyneyd ee horumarinta qaaradda Afrika.

Meles oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu wakhtiga dheeraa Ethiopia, ayaa waxa aaskisa isugu soo baxay tobanaan kun oo reer Ethiopia ah- oo qaar badan ay xirnaayeen shaarar madow oo Meles uu ku sawiran yahay.

Waxa ay isugu soo baxeen in ay u baroortaan Meles Zenawi, oo lagu tilmaamay inuu ahaa nin hoggaanka u hayay horumarka Ethiopia, laakiin sidoo kale lagu dhaleeceyn jiray xadgudubyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Ninka beddelaya Hailemaruiam Desalegn ayaa xafiiska Ra'iisul Wasaaraha sii hayn doona ilaa doorashooyinka laguw ado inay dhacaan 2015.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.