280, 000 oo macallin oo Kenya ka sameeyey shaqo-joojin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 September, 2012, 16:10 GMT 19:10 SGA
kenya teachers strike

Macallimiinta Kenya

Sida uu sheegay ururka macallimiinta Kenya (KNUT), ilaa 280, 000 oo macallin ayaa maanta sameeyey shaqo-ka-fadhiisi guud ahaan dalka Kenya.

Macallimiintu waxay ka cabanaya mushaharka ay qaataan oo ay ku tilmaameen in uu aad u hooseeyo oo aanu ku fillayn noloshooda.

Shaqo ka fadhiisigan waxa lagu tilmaamay inuu waxyeello weyn u geystey dugsiyadii ardayda oo bilaabi lahaa xilligii waxbarasho ee sannadkan ka dib markii ay ka soo noqdeen fasaxii sannadka.

Macallimiintu waxa kale oo ay ka cabanayaan in aan in muddo ah loo samayn mushaar-kordhin, waxayna codsanayaan in loogu daro korodhsiimo u dhexeeya min 200 - 300 %.

Guddoomiyaha ururka KNUT, Wilson Sossion, waxa uu sheegay in shaqo-ka-fadhiisagan oo ururku ku baaqay ay macallimiintu u dhega nuglaadeen oo ay fuliyeen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.