Cameron oo isku shaandheynaya golihiisa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 September, 2012, 08:32 GMT 11:32 SGA

Ra'iisul Wasaaraha Britian David Cameron waxa uu saeynayaa isku shaandheyntii ugu horreysay

Ra'iisul Wasaaraha dalkan Britain, David Cameron, ayaa isku shaandheeyay Golihiiisa Wasiirada tan iyo markii uu xafiiska qabtay muddo haatan laga joogo laba sano.

Sidii la filayay Raiisul Wasaare, David Cameron waxa uu ku adkeystay in aanu xilka ka qaadin wasiirkiisa dhaqaalaha, George Osborne, oo lagu eedeeyay inuu kobcin waayay dhaqaalaha dalka.

Jeremy Hunt oo waday cayaarihii Olimbikada ee guusha ku dhammaaday ayaa waxa loo dalacsiiyay wasaaradda caafimaadka, iyada oo si weyn loogu cambaareeyay inuu aad ugu dhawaa shirkadda saxaafadda ee Murdoch, xilkiisi hore ee Xoghayaha Dhaqanka markii uu hayay.

Xubin kale oo siyaasi rug caddaa ah, Kenneth Clarke ayaa shaqadiisi Xoghaya Cadaaladda waayay, waxa uu ku sii jiri doonaa Golaha Wasiirada laakiin xil ma heyn doono.

Arrintan ayaa ah isku day uu ku doonayo Ra'iisul Wasaaruhu inuu dib ugu qaabeeyo golihiisa wasiirrada ee dowladda wadaagga ah.

Dowladda ayaa si balaaran loogu dhaleeceeyay, gaar ahaan xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ku eedeeyay inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan koboca dhaqaalaha, dalkana ay ka soo saaraan dhibaatada dhaqaale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.