Murashaxiintii UDUB oo la laalay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 September, 2012, 15:21 GMT 18:21 SGA

Taageerayaal Somaliland

Magaalada Hargeysa, gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada ayaa maanta ku dhawaaqay inay laaleen murashaxii Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga UDUB sheegeen inay ku doorteen Shirkoodii golaha dhexe ee 28kii bishii August 2012.

Gudigu war saxaafadeed ay galabta soo saareen waxay ku sheegeen in doorashadaasi aanay waafaqsaneyn xeerka guud ee Xisbiga UDUB oo musharax Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen lagu dooran karo oo keliya shirweynaha guud ee Xisbiga UDUB.

Gudigu waxay fareen gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin inuu ilaaliyo xeerarka Somaliland iyo xeer hoosaadka xisbigiisa, sida ku qoran warka gudiga.

War-saxaafadeedkan waxaa kaloo lagu sheegay in gudiga diiwaangelinta ururada Siyaasaddu iyagu u xilsaaranyihiin inay axsaabta ku ilaaliyaan xeerarka dalka iyo xeerarka xisbiyada .

Sida laga warqabo Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB wuxuu shirkiis golaha Dhexe ee Hargeysa 28/8/2012 sheegeen inay ugu doorteen musharaxa madaxweyne Cali Warancadde Musharax Madaxweyne xigeena Axmed Xaaji Daahir Cilmi .

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.