Musharraxiinta oo soo gudbinaya qorshahooda

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 September, 2012, 16:24 GMT 19:24 SGA

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya

Toban ka mid ah murrashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay khudbado ka jeediyeen baarlamaanka.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay siiyeen xubin walba oo ka mid ah murrashaxiinta 20 daqiiqo oo uu ku soo gudbiyo barnaamijka.

Toban musharrax ee maanta qudbaha jeedinaya waxa ay kala yihiin:

1- Axmed Ismaaciil Samatar
2- Xuseen Khaliif Jaamac
3- Maxmed Axmed Saalax
4- Cabdullaahi Axmed Caddow
5- Maxamed Cabdullaahi Oomaar
6- Shariif Shiikh Axmed
7- Cabdi wali Max'ed Cali Gaas
8- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo
9- Salaad Cali Jeelle
10- Cumar Salaad Cilmi.

Xubnaha hadlay ayaa waxa ay soo bandhigeen qorshahooda ku aadan waxa ay dalka iyo dadka u qaban doonaan haddii Madaxweyne loo doorto.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka hadleen ayaa waxa ka mid ah wax ka qabashada ammaanka dalka, dhisitaanka ciidanka Soomaaliyeed, siyaasadda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.