Maalin ayaa ka dhiman doorashada madaxtinimada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 September, 2012, 03:55 GMT 06:55 SGA

Xubnaha u tartamaya doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka wada olole uu mid walba ku doonayo in uu ku qalqaalsado xildhibaanada dooranaya.

Ilaa 25 musharax ayaa u taagan tartanka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Shalay iyo maalintii ka horeysay waxaa baarlamaanka Soomaaliya uu dhagaystay 25-ka xubnood ee soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada madaxtinimada Soomaaliya.

Xubnahaas rajada ka qaba in ay Soomaliya madaxwayne u noqdaan ayaa mid walba uu jeediyay barnaamijyada uu doonayo in uu isku soo sharaxo si loogu doorto madaxwaynaha dalka Soomaaliya.

Maanta ayay xubnuhu ka wadaan Muqdisho olole ballaaran oo ilaa xalay waxaa magaalada wareegaya baabuur ay sameecado saaran yihiin, kuna sharaxan yihiin sawirada mid mid musharixiinta, iyagoo baahinaya magaca iyo rabitaanka musharax madaxwayne.

Weriyaha Muqdisho uga soo waramaya BBC, Ibraahim Maxamed Aadan, wuxuu leeyahay ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay.

Booliiska Amisom iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah oo ay wehliyaan ciidamada military-ga ayaa ammaanka sugaya.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa ammaanka aad loo adkeeynayay. Wararka qaar ayaa sheegaya in boqolaal qof meelo ka mid ah magaalada laga soo qabtay oo ay xiran yihiin.

Beri oo ku beegan 10-ka bisha September, ayaa loo ballansan yahay in doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.