Toos ula soco Doorashada Madaxweynaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 September, 2012, 16:22 GMT 19:22 SGA

Nagala soo xiriir Dhag sii Facebook , Dhag sii Twitter iyo fariimaha qoraalka ee mobileka numberkiisu yahay +44 77 86 20 50 85

Faallo toos ah
Wararkii ugu danbeeyay

Dib u cusbooneysii

2057: Kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya Bogga BBC Somali

1942: Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu weydiistay shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan.

1936: Madaxweynaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la dhaariyay.

1932: Shiikh Shariif: waxaan qolkan ka baxayaa aniga oo aan cuqdad qabin.

1928: Shariif Shiikh Axmed ayaa khudbeynaya hadda. Waxa uu u hambalyeeyay oo uu salaamaya Madaxweynaha Cusub Xasan Shiikh.

1909: Inkastoo aan lagu dhawaaqin si rasmi ah codadka la tiriyay haddana sida muuqata codadka la tiriyay waxaa ku guuleeystay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

1859: Waxaa hadda la dhameeyay tirinta sanduuqii labaad #bbcsomali

1854: Doorashada ayaa saaka ku bilaabatay jawi deggan.

1849: Waxaa la bilaabay sanduuqii labaad, kadib markii la tiriyay kii koowaad

1846: Waxaad kale oo aad nagala socon kartaa BBC Somali Facebook

1845: Shariif ayaa waxa Madaxweyne loodu doortay sanadkii 2008 dalka Djibouti.

1842: Weli waxaa la wadaa tirinta codadka wareegga ugu dambeeyay.

1837: Waxaa kale oo ka  socon kartaa wararka BBCSomali Twitter

1835: Kala soco wararkii ugu dambeeyay halkan

1834: Waa markii ugu horreysay ee doorasho ay ka dhacdo Muqdisho tan iyo intii ay dhacday dowladdii Soomaaliya 1991.

1828: Waxaa socota tirinta codadka. Waxaa tartanku hadda u dhexeeyaa Shariif Shiikh iyo Xasan Shiikh.

1823: Waxaa la furayaa sanduuqa codadka oo la tirinayo codadka wareeggii ugu dambeeyay.

1820: Weriyayaasha BBC ee ku sugan madasha waxa ay qiyaasayaan in saacado kale ay qaadan doonto natiijada ugu dambeysa.

1819: Soomaaliya dowlad dhexe oo xooggan ma lahayn muddo ka badan labaatan sano.

1807: Waxaa wareeggan ugu dambeeya isaga haray Cabdiwali Gaas iyo Cabdulqaadir Cosoble oo ku soo baxay wareeggii labaad.

1758: Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee wax dooranaya waxa ay ka kooban yihiin 275.

1754: Baarlamaanka cusub ayaa waxa maanta loo dhaariyay xubno cusub oo ah hoggaamiyayaashii muranku ka taagnaa.

1749: Xildhibaannada ayaa codeynaya wareeggii u dambeeyay

1743: Wareegga koowaad waxaa tartamay 22 musharrax.

1740: Wareeggii hore ayaa waxa isaga baxay Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdulqaadir Cosoble.

1725: Waxaa socda wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada waxaa isku soo haray Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

 

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.