Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Prof Said Samatar siduu u arkaa madaxda cusub

Lahaanshaha sawirka Other

Madaxawayne Hassan Sheekh Maxaamuud shalay ayaa loo dhaariyay xilka madaxtinimada xaflad ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu dalka hogaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

Hadaba, waxaa la is waydiinaya doorashada madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka cusub waxaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay si dhab ah uga bixi doonto 21 sano oo aanay dalka ka jirin dowlad si buuxda dalka u xukumaysay?

Weriyaha BBC ee Washington, Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa su'aashaas u bandhigay Pro. Said Samatar oo culuunta taariikhda iyo dhaqanka ka dhigaa jaamacad ku taala wadanka Maraykanka.