Warshad dahab oo laga furay Sudan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 September, 2012, 09:05 GMT 12:05 SGA
Al-Bashir

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashir ayaa furay warshadii dahabka ee ugu horreysey dalkaasi

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al-Bashir ayaa furay warshadii dahabka ee ugu horreysay ee uu dalkaasi yeesho.

Dadka wax indha-indheeya ayaa sheegaya in tallabadani ay yareyn doonta dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi, ka dib markii ceelashii saliidda intooda badnayd ay mareen dhanka dowladda cusub ee koonfurta Sudan.

Warshadani dahabka aya la filayaa in sanadkiiba ay dhoofiso 328 Tan oo dahab ah oo qiimaheeda gaarayo 3 bilyan oo doolar.

Madaxa warshadani, Al-Azhari Al-Tayyib, ayaa sheegey in Sudan lagu sifeyn doono dhahabka waddamada deriska.

Wasiirka Maaliyadda Sudan ayaa horey u sheegey in Sudan ay mamnuuci doonto dhoofinta dahabka aan la sifayn marka ay howl-gasho warshadani.

Sudan waxaa soo wajahay dhibaato dhaqaale ka dib markii ay go’dey koonfurta Sudan, iyadoo boqolkiiba 70 ceelasha saliidda ay ku yeelaan halkaasi.

Labada dal waxay ku muransanyihiin lacagaha canshuurta ee laga qaadayo koonfurta si saliideeda looga dhoofiyo dekadaha Sudan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.