Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirada dhimashada qaraxii Muqdisho oo sii korodhay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Laba qarax oo lala eegtay meel maqaayad ah oo ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay ugu 22 iyo qof, inta ila hadda la ogyahay.

Waxaa dadka ku dhintay ka mid ahaa sadex weriye, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan labaatan qof oo ay weriyayaal kale ku jiraan

Agaasimaha raadiyo Kulmiye, Cismaan Cabdullaahi Guure, oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee goobta qaraxa tagay. Dhaawacana waxa ilaa hadda la hubaa in ka badan 30 qof ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Cismaan, ayaa sheegay in markii uu goobta tagay uu halkaas ugu tagay burbur baaxad leh iyo meyd goobta daadsan oo ay ku jireen qaar uu xubnahoodu

Wuxuu nooga waramay wixii uu arkay markii uu gaaray maqaayadda qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadaas waxaa si xoog leh loo cambaareeyay. Maxamed Maxamuud Dhoorre ayaa warbixin ka diyaariyay qaraxa iyo fikradaha laga qabo.

Waxaa kaloo ka hadlay oo weerarka cambaareeyay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, ururada saxaafadda iyo bulshadaba.