Dilka xildhibaanka oo la cambaareeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 September, 2012, 05:00 GMT 08:00 SGA

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga, ayaa cambaareeyay dilka mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee shalay galinkii dambe lagu dilay magaalada Muqdisho.

Waxaa caasimadda oo dhowaan markii ugu horeyay muddo labaatan sano ka badan lagu soo xulay xildhibaanno ugu dambayntii doortay guddoomiye baarlamaan iyo madaxwayne ku soo badanayay dilalka.

Weriyaha Ibraahim Maxamed Aadan oo BBC uga soo warama magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu cambaareeyay dilka xildhibaanka baarlamaanka ka tirsanaa ee shalay lagu dilay Muqdisho, Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed.

Howlgallo baaritaanno ah ayaa ciidamada dowladdu ay ka wadeen magaalada dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay inkastoo amniga aysan howlgaladan wax wayn ka badalin.

Sidoo kale milkiilaha maqaayadda Village ee dhowaan weerarka isqarxinta ay labada qof ka dambeeyeen lagu dilay Axmed Jaamac, ayaa sheegay in uu maqaayadda dib u dhisi doonaa.

Waxaana soo baxaya in ganacsatada magaalada ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin ay isku dayayaan in ay ku sugaan ammaanka meheradahooda ganacsiga.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.