Kenya: Kismaayo ayaan duqaynay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 September, 2012, 08:22 GMT 11:22 SGA
Kenya

Ciidanka Kenya ayaa sheegay in ay qarka u saaranyihiin inay qabsadaan magaalada Kismaayo

Afhayeen u hadley ciidamada Kenya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeyeen dakadda magaalada Kismaayo.

Kismaayo waa magaalada ugu weyn ee weli ku harsan gacanta ururka Al-Shabaab.

Col Cyrus Oguna ayaa BBC u sheegay in ay dhaawac u gaysteen bakhaarro hubka lagu kaydiyo meel ku dhaw dekadda.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa warkaasi ku gacan-sayray, waxaana uu sheegay in duqayntaasi aanay jirin cid wax ku noqotay.

Ciidamada Kenya ayaa haatan 50 kilometer u jiro magaalada Kismaayo, waxayna joogaan Jannay Cabdalla.

Toddobaadkii hore waxaa jiray warar sheegayay in Al-Shabaab ay ka baxeen magaaladaasi, haatan waxaa muuqata in ay dib ugu noqdeen halkaasi.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.