Kismayo oo laga duqeeyey cirka iyo baddaba

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 September, 2012, 08:57 GMT 11:57 SGA
Kismayo Somalia

Magaalada Kismayo

Milatariga Kenya ayaa sheegaya in diyaaradahooda dagaalku ay duqeyeen garoonka diyaaradaha ee magaaladda Kismayo.

Magaaladaasi ayaa wali waxay gacanta ugu jirtaa ururka Al Shabaab, waana meesha ugu xoogga badan yihiin koofurta Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay duqeynta ku burburiyeen makhaasiimo ay isticmaali jireen Ururka Al Shabab oo ku yaala gagida diyuuradaha.

Dhinaca kalena, wararka qaar ee degaankaasi ayaa iyaguna sheegayaa in xalay dhinaca badda lagaga soo ganay gantaallo tuulooyin ku yaalla hareeraha magaalada Kismayo oo la rumaysan yahay in al-Shabaab ay ku kaydsato saanad iyo hub.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay Kenya sheegto in ay duqeysay bartilaameedyo ku yaala magaaladda Kismayo.

Muddo hadda laga joogo dhowr todobaad, maraakiibta Kenya ayaa duqeeyay garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaaladda Kismaayo.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Ururka Al shabaab ayaa sheegay in weerarkan ugu danbeeyay ee xagga cirka aysan cidna wax ku noqon, wax dhib ahna uusan dhismayaasha u geysan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.