Xuska shil ay ku dhinteen kudhowaad 1900

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 September, 2012, 03:34 GMT 06:34 SGA
Senegal ferry

Doontii burburtay

Markii ay degtay doonta Joola sanadkii 2002-dii, dowladdu waxay ugu horreyntii ku eedeysay hawadu inay xumaatay.

Dhowr bilood kaddib baaritaan ayaa daboolka ka qaaday in shilka doonta ay u sabab ahayd inta badan dayacaad xagga bani'aadamka ka timid.

Doonta oo ay lahaayeen ciidammada badda ee dalka Senegal, ma waafaqsaneyn heerarka caalamiga ah ee doonyuhu safarka ku geli karaan, waxayna sidday ku dhowaad afar jibbaar intii loogu tala galay inay qaaddo.

Kiiskaas garsoorka ayaa la horgeeyay, kabtankii doonta, oo shilka ku dhintay, ayaa loo qabsaday inuu keligiis mas'uul ka ahaa burburka doonta. Go'aankaas oo qoysaskii dadkii dhintay aanay marnaba aqbalin.

Laakiin haatan oo madaxweyne cusub la doortay, Idrissa Diallo, ayaa madaxa guddi ay leeyihiin urur qoysaskii dadkii dhintay, waxaa uu sheegayaa inuu qorsheynayo in uu kiiska mar kale maxkamad geeyo.

Qoysaska dadkii dhintay waxay kaloo dalbanayaan in doonta Joola laga soo saaro badda si ay ula soo baxaan haraaga dadkoodii ku dhintay. Burburka doonta waxaa kaloo loo beddeli karaa madxaf.

Tan iyo markii masiibadaasi dhacday, ammaanka badda ee dalka Senegal waa la hagaajiyay. Doon cusub oo la yiraa Aline Sittoe Diatta, ayaa la isaga raacaa magaalada caasimadda ah ee Dakar iyo magaalada Siguinchor wixii ka dambeeyay sanadkii 2008-dii.

Raacitaanka waxaa si aad ah u ilaaliya tigidho elektaroonic ah. Cumar Gueye waa xoghayaha guud ee wasaaradda hawlaha maraakiibta.

Wakaalad gaar ah ayaa sidoo kale la abuuray si ay isugu dubba riddo hawlaha badbaadinta haddii uu shil kale dhaco. Markii ay doonta Joola degtay, waxay ku qaadatay kooxda gurmadka in ka badan 18 saacadood inay gaaraan goobta shilku ka dhacay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.