Nigeria oo hakisey duulimaadyadii xajka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 September, 2012, 11:27 GMT 14:27 SGA
haweenka xujeyda nigeria

haweenka xujeyda nigeria

Nigeria ayaa hakisey dhamaan duulimaadyadii xujeyda tegeysa dalka Sacuudiga markii xukuumadd Riyadh ay masaafurisey in ka badan boqol iyo toddobaatan haween ee halkaasi tegey iyagoon la socon rag ehel ah ama muxrim.

Afhayeenka baarlamanka Nigeria ayaa waxaa uu horkici doonaa wafdi tegi doona Sacuudi Caraabiya, si ay uga cawdaan qaabka loola dhaqmey xujeyda.

Mid ka mid ah haweenkaasi reer Nigeria ayaa BBC u sheegtey in aan la siin wax cunto intii ay xirnaayeen, isla markaana iyagoo boqolaal ah lagu qasbey inay hal musqul wada istcimaalaan.

Sacuudiga waxaa muddaba ay walaac ka muujineysey dadka ka yimaada qaaradda Afrika ee dalkeeda ku hara marka ay dhameystaan cibaadada xajka, kuwaas oo markaa kadib bilaaba inay tuugsadaan amaba ku lug yeeshaan falal anshax xumo ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.