MSF: Qaxooti looma celin karo Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Oktoobar, 2012, 10:31 GMT 13:31 SGA
Dhadhab

Kenya ayaa codsatay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed

Hay'adda MSF ee ka howl-gasho xeryaha qaxootiga ee woqooyi-bari Kenya ayaa sheegtay in aanay suura-gal ahayn in qaxootiga loo celiyo dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey u codsatay in qaxootiga la geeyo goobaha ay ciidankooda ka qabsadeen ururka Al-Shabaab.

Dad kor u dhaafayo 500,000 oo ruux oo Soomaali u badan ayaa ku sugan xeryaha qaxotiga ee Dhadhaab.

Kenya ayaa waxay doonaysaa in dadkani gar-gaar loogu geeyo goobaha ay tilmaameen in ay xasilooni ka jirto.

Hay'ada MSF ayaa ku tilmaantay dalabkani Kenya mid "lagu dag-dagay".

Madaxda Hay'adda MSF ee Kenya, Dr Elena Velilla, ayaa ka digtay in qaxootiga hadii la celiyo la geyn doono xeryaha dadka barakacayaasha. Waxay sheegtay in noolosha xeryahaasi ay tahay mid aad u liidato.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.