Kacdoonka Carabta miyaa gaaray Urdun?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Oktoobar, 2012, 14:50 GMT 17:50 SGA
Urdun

Dadka ayaa shaagaya in ay doonayaan is badallo

Dibadbaxyo lagu dalbanayo is badallo ayaa ka bilwday dalka Urdun.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen sideed ruux oo ayna qabteen sadex baabuur, oo waday ulo, mindiyo iyo rasaas. Dadkaasi ayaa la sheegay in ay ku sii socdeen goobta ay socdaan dibad-baxyada.

Dibad-baxyadani oo ay ka qeyb-qaadanayaan kumamaan kun oo ruux, waxaa soo qaban-qaabiyay ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Tani ayaa ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan boqorka dalka urdun tan iyo markii uu billawdey kacdoonka ka dhacay waddamada Carabta.

Hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah, xayiraado dhanka Internet-ka iyo waxyaabaha dalka deriska ee Suuriya ka socda ayaa dhiira gelinayo dhaq-dhaqaayada is-badal-doonka ee dalka Urdun.

Saacada yar ka hor dibad baxyada, ayaa boqorka dalkaasi, waxaa uu kala diray baarlamaanka, waxaana uu ku baaqay doorashooyin cusub.

Madaxa xafiiska siyaasadeed ee Ikhwaanul Muslimiinka Urdun, Zaki Bani Arshid, ayaa BBC u sheegay in dadka ay doonayaan is badallo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.