Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Lewiston oo dibadbaxyo samaysay

Lahaanshaha sawirka AP

Duqa magaalada Lewiston oo ka mid ah gobolka Maine ee dalka Maryakanka, Robert Macdonald ayaa ka caraysiiyay Soomalida ku dhaqan dalkaas kadib markii uu sheegay in loo baahan yahay in ay dhaqankooda meel iska dhigaan.

Soomaalida ku dhaqan Lewiston waxay gaarayaan ilaa toban kun, waxaana intooda badan ay halkaas degeen dhowr iyo toban sano ka hor.

Waxay muujiyeen cabasho xoog leh, iyagoo la kulmay Robert McDonald una sheegay in uu ka laabto baaqiisa in Soomaalidu ay dhaqankooda iridka ay ka soo galeen Maraykanka uga soo tagaan.

Jaamac Aadan Maxamed, oo ah ninka dhinaca isgaarsiinta u qaabilsan dhalinyarada Soomaalida deegaanka Maine oo Lewiston-na ka tirsan tahay.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa waydiiyay in uu ka warammo cabashada ay sameeyeen in uu ka warbixiyo.