Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ra'iisal Wasaare loo magacaabay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa uu magacaabay Ra'iisal Wasaare in uu Soomaaliya u noqdo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ahaa Ganacsade fadhigiisu ahaa maagalada Nairobi, halkaas oo in muddo ah uu deganaa

Ra'iisul Wasaaraha, waxaa uu ka mid ahaa rag dhowr ah oo la hadal hayey, oo la sheegayey in laga yaabo in Madaxweynuhu uu isaga magaacabo.

Hadaba Wariyahayaga magaalada Muqdisho, Ibrahim Mahamed Adan ayaa warbixinta halkan ku lifaaqan noo soo diray.