Ciidamada dowladda oo gaaray Wanlaweyn

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Oktoobar, 2012, 18:35 GMT 21:35 SGA
AMISOM

Ciidamada AMISOM ayaa gaaray Wanlaweyn

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalida ayaa sheegay in ay qabsadeen magaalada Wanlaweyn.

Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa sheegay in qabsashada magaalada Wanlaweyn, ay tahay tallaabo laagu horistaagayo Al-Shabaab dhaqaalaha ka soo gali jiray magaaladaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haayay magaaladaasi oo ku taalla gobolka Shabeellada Hoose.

Wanlaweyn ayaa Muqdiosho u jirta 90 kilometer.

Labo toddobaad ka hor ayaa ciidanka Kenya waxay qabsadeen magaalada Kismaayo, oo ahayd magaaladii ugu weyneyd ee weli ku harsanayd gacanta Al-Shabaab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.