Gaariye oo Maanta lagu aasayo Hargeisa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Oktoobar, 2012, 05:44 GMT 08:44 SGA

Maydka abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha Berbera.

Dad badan oo reer Berbera ah iyo qaar ka tegay Hargeysa, qoyskiisii , madaxda gobolka saaxil, iyo gudi wasiiro ku jiraan oo loo xilsaaray aaska abwaanka ayaa maydka ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee berbera .

Maydka oo la soo saaray gaari ambullance ah oo ay daba luudayaan kolonyo baabuuro ah oo fara badan ayaa loo soo dhaqaajiyay xagga Hargeysa oo maanta lagu wado in lagu aaso.

Abwaan Gaariye, wuxuu kaloo ahaa professor jaamacadeed, iyadoo la fasaxay jaamicadii uu wax ka dhigi jiray Cammuud, Jaamicadda Hargeysa iyo Jaamicadda Gabilay.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa aaska dartii u baajiyay kulan u socday. Kumanaan dad ah, ayaa ku sugan xabaalaha xeedho oo lagu wado in lagu aaso abwaan aqoonyahanka ahaa.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.