Dacwad oogaha Masar oo shaqadiisa ku soo noqday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Oktoobar, 2012, 11:56 GMT 14:56 SGA
Mudaaharaadyada Masar

Mudaaharaadyada Masar

Dacwad oogaha guud ee Masar Abdal Majid Maxamuud ayaa shaqadiisa ku soo laabtay inkastoo Madaxweyne Mursi uu amaray inuu xilka ka dago.

Maxamed Morsi ayaa isku dayay inuu shaqada ka qaado dacwad oogaha guud Khamiistii, kadib markii danbi lagu waayay in kabadan afartan masuuliyiin oo daacad u ahaa Hosni Mubarak.

Dadka ayaa lagu eedeeyay inay soo abaabuleen weerar lagu qaaday dadkii mudaaharaadayay markii ay socdeen kacdoonkii Masar.

Nimanka danbiga lagu waayay ayaa dhalisay banaanbaxyo watay rabshado oo ka dhacay fagaaraha Taxriir ee Qaahira Jimcihii, oo ay ku dhaawacmeen in ka badan boqol iyo toban qof.

Banaanbaxan ayaa ahaa kii ugu waynaa ee lagu sameeyo madaxwaynaha tan iyo intuu xilka la wareegay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.