Xiisada Syria iyo Turkey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Oktoobar, 2012, 10:24 GMT 13:24 SGA
Xuduuda Turkey iyo Syria

Xuduuda Turkey iyo Syria

Iyadoo ay sii kordhayso xiisada u dhaxaysa Turkey iyo Syria, ayaa wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta Lakhdar Brahimi ayuu wadahadal tagaya Istanbuul.

Toddobaadyadii la soo dhaafay shan qof ayaa lagu dilay markii madfac laga soo tuuray Syria uu ku dhacay tuulo Turkey.

Arbacadii Turkey ayaa ku qasabtay diytaarad Syria leedahay inay soo degto, waxayna sheegtay inay waday qalab milatari oo ay u wado magaalo madaxda Dimishiq.

laakiin Mr Brahimi ma laha qorshe nabadeed oo degdeg ah, wuxuuna sheegay inuu Turkey booqanayo si uu u dhagaysto masuuliyiinta Turkey.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.