Wadahadalka ONLF iyo Itoobiya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Oktoobar, 2012, 14:40 GMT 17:40 SGA
ONLF

Cabdiraxman Maadey ayaa hogaaminayo wafdiga ONLF

Sida ay BBC-da soo ogaatay waxaa magaaladda Nairobi ka socda wadahadal u dhaxeeyo ururka ONLF iyo Dowlada Itoobiya.

Waxaa wadahadalkan ka qaybgalaya madax sare oo wasaarada Arimaha dibadda ee Itoobiya ka socata iyo Wafdi 7 xubnood ah oo ururka ONLF ka socda oo uu hogaaminayo cabdiraxmaan Maadeey, oo ah xoghayaha arimaha Dibadda ee ONLF.

Ilaa iyo hada warar badan lagama hayo arimaha laisla gaaray, balse waxaa jira in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay jireen isu soo dhowaansho muuqda oo ku saabsan in uu heshiis rasmi ah dhexmaro itoobiya iyo ONLF.

Waxaana howshani dhexdhexaadinaya dowladda kenya mas'uuliyiin ka tirsan.

Kulankan waxaa ka horreeyey labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.

Sida lagu wado hadii uu wadahadalkan horay u socdo, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.

Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.