Itoobiya oo qirtay wadahadalka ONLF

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Oktoobar, 2012, 14:28 GMT 17:28 SGA
ONLF

Cabdiraxmaan Maadey waxaa uu hogaaminayay wafdiga ONLF ee wada hadalka Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in wada hadallo nabadeed ay la yeelatay ururka ONLF.

Warbixin ka soo baxday safaaradda Itoobiya ku leedahay Kenya, ayaa dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ay wadahadallada ay burbureen, kadib markii ururka ONLF uu diiday in uu aqoonsado dastuurka Itoobiya.

Warbixinta safaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay horey heshiis ula saxiixatay garab kale oo ka tirsan ONLF.

Itoobiya ayaa sheegtay in wafdigeedu uu hogaaminayay Siraj Fegessa, oo ah wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Itoobiya.

ONLF ayaa sheegtay in ay hakadeen wadahadallo ay kula jirtay dowladda Itoobiya.

Warbixin ay ONLF soo saartay, waxay ku eedeysay xukuumadda Itoobiya in ay ku adkaysatay in ONLF ay aqoonsato dastuurka Itoobiya kahor inta aan la guda gelin wada hadallada ay dhexdhexaadinayso dowladda Kenya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.