Israel oo qabatay doon Gaza alaab u waday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Oktoobar, 2012, 11:45 GMT 14:45 SGA
Magaalada Gaza

Magaalada Gaza ayaa laga dhisayaa dhismayaal aad u badan laakiin xayiraada saaran awgeed way adag tahay in la helo qalabka dhismaha.

Israel ayaa qabatay doon isku dayaysa inay alaab keento Gaza oo ay xayiraad saartay Israel. Afhayeenka milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamada Badda ee Israel ay qabteen doon laga leeyahay Finland, kadib markii dadka doonta saarnaa ay diideen inay noqdaan.

Afhayeenka ayaa sheegay inaan loo baahan in xoog la isticmaalo, dadkii saarnaana la siiyay biyo iyo cunto.

Doonta ayaa hadda loo waday dhinaca dekadda Israel ee Ashdod. Doonta oo la yiraah Estelle ayaa safarkeeda ka bilaawday magaalada Naples ee Talyaaniga. Doonta ayaa wada alaabo waxbarasho iyo kuwo caafimaad.

Shan siyaasiyiin reer Yurub ayaa ka mid ah dadka doonta saaran.

Isreel ayaa xayiraad ku soo rogtay Gaza markii ay Islaamiyiinta Xamaas qabsadeen xukunka Gaza.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.