Sarkaal lagu dilay xeryaha Dhadhaab

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Oktoobar, 2012, 18:08 GMT 21:08 SGA

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa lagu toogtay gudaha masjid ku yaalla xerada Hagardhere oo ka mid ah xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Sarkaalka la dilay, ayaa wararku sheegayaa in uu ka shaqaynayay waaxda dambi-baarista.

Waa markii ugu horaysay ee qof lagu dhex dilo masjidka gudaha xeryaha qaxootiga, inkastoo horay ay u dhaceen dhowr dil gudaha xeryaha.

Laba maalin ka hor, ayaa sadex qof oo isku qoys ah lagu dilay xeryaha qaxootiga mid ka mid ah.

Ciddii ka dambaysay dilka dadka ayaan la ogayn ilaa hadda ma jiro cid loo soo qabtay.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay sii kordhayay cabsida ka taagan xeryaha oo ammaankoodu aad u sii xumaaday.

Dad ku nool xeryaha ayaa rumaysan in hub badan uu ku jiro xeryaha oo dadku haystaan.

Ciidamada dalka Kenya ayaa hadda ku sugan magaalada Kismaayo oo ay ka qabsadeen xoogga al-Shabab, kadib markii ay kooxdan ku eedeeyeen in ay gudaha dalkeeda ka wadaan amni darro.

.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.