Dabaylo ku soo socda Maraykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Oktoobar, 2012, 10:38 GMT 13:38 SGA
Dabaylaha Hurricane

Dabaylaha Hurricane oo ka dhacay Cuba waxay gaysteen qasaaro badan.

Madaxweyne Obama ayaa la tashtay madaxda gurmadka degdega iyadoo Maraykanka uu filanaayo mid ka mid ah dabaylaha ugu xooga wayn inay ka dhacaan gobolada bariga Maraykanka.

Dabaysha Hurricane Sandy, markay soo gaarto dhulka ayaa laga yaabaa inay la kulanto dabaylaha qaboobaha oo galbeedka ka imaanaya.

Xili deg deg ah ayaa lagu dhawaaqay inta badan gobolada xeebta ee bariga Maraykanka, dowladana waxay ka digaysaa fatahaado iyo baraf culus inay saameeyaan malaayiin qof.

Dabaylaha ayaa u keenay madaxweene Obama iyo ninka la tartamaya madaxweynenimada Mitt Romney inay badalaan qorshahoodii ololaha doorashada madaxweynenimada

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.