Dowladda iyo AMISOM oo wafdi u diray Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Novermber, 2012, 20:48 GMT 23:48 SGA

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ka degay maanta magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa ka kala tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Nariobi.

Haddaba wariyaha BBCda Ibraahim Maxamed Aden ayaa safarkaasi ka waraystay kusimaha wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya Xuseen carab Ciise oo uu ugu horeyntii waydiiyay waxa ay ku saabsanayd booqashadooda Magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku wehliyeen saraakiil ka socota AMISOM, ujeedkooduna ahaa in ay soo kormeeraan.

Waxaa uu sheegay in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.

Waxaa booqashadan ku soo beegmay maalin kadib markii ku dhowaad lix boqol oo qof lagu xirxiray magaalada.

Waxaa uu sheegya in dadka la xirxiray la baari doono wixii dambi lagu waayana la sii dayn doono.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.