Weerar qarax oo ka dhacay Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Novermber, 2012, 12:44 GMT 15:44 SGA
maqaayad

Maqaayada The Villege oo ku taalay meel kale Muqdisho ayaa la qarxiyay bishii September.

Laba qarax ayaa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Hodan oo la yiraahdo The Village, inta la ogyahay ilaa hadda afar qof ayaa dhimatay, dhaawacana wuxuu gaarayaa toban.

Qaraxyadaas ayaa loo malaynayaa inay ka danbeeyeen laba qof oo isqarxiyay.

Meesha qaraxa uu ka dhacay waxaa joogay oo ka badbaaday saraakiil sare oo ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin taliyaha danbi baarista booliska Cabdullaahi Xassan Bariise, Taliyaha waaxda socdaalka General Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo gudoomiyaha beelaha Muqdisho Maxamed Xassan Xaad iyo xildhibaano.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.