Boliis ku dhintay weerar Kaniisad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Novermber, 2012, 12:14 GMT 15:14 SGA

Sarakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in hal askeri oo boolis ah uu ku dhintay qarax ka dhacay kaniisad ku taala magaalada Garissa ee waqooyi bari. Ugu yaraan 7 kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay kaniisada oo ku dhax taalay xarun boolis.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa waxa loo duuliyey caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Qaraxyo dhowr ah ayaa ka dhacayey magaalada Garissa iyo guud ahaan gobolka waqooyi bari ee Kenya, tan iyo markii ay ciidamada kenya gudaha u galeen Soomalia sannadkii tagay. Bishii toddobaad ee sannadkan, weerar lagu qaaday laba kaniisadood oo ku yaala isla magaalada Garissa ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.