Dowladda Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Novermber, 2012, 16:08 GMT 19:08 SGA
Fawsiyo

Fawsiyo Yusuf Aadan ayaa noqotay gabadhii ugu horaysay Soomaaliya ee loo dhiibay xilka sare ee Ra'iisalwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa ku dhawaaqay goor dhow golihiisa Wasiirada.

Munaasabada ku dhawaaqidda golaha Wasiirrada waxay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Markii ugu horaysay ayaa loo magacaabay dumar jagada Ra'iisalwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Fowsiyo Yuusuf Aadan ayaa laga dhigay Ra'iisalwasaare kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Fowsiyo Yuusuf Aadan, Waxay ku laheed urur siyaasadeed Somaliland oo la dhihi jiray NDB.

laakiin, waxay ka mid ahayd ururadii buuxin waayay sharuudihii looga gudbaayay tartanka xisbinimo ee Somaliland oo ay gudiga diiwaangalinta reebeen.

Waxay mudo dheer ku dhex jirtay hayadaha samafalka.

Markii loo magacaabay jagadii ugu saraysay dowladda Soomaaliya ee qof dumar ah loo dhiibo ayay Fawsiyo ka hadashay.

Wasiirada uu magacaabay Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa ka kooban Toban Wasiir. Golaha Wasiirada ayaa waxaa la hor gaynayaa Baarlamaanka oo ansixin doono:

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisalwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda.

2-Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

3-Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga.

4-Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

5-Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta.

6-Cabdullaahi Cilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

7-Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.

8-Muxidiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

9-Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada.

10-Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.