Doorashada Mareykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Novermber, 2012, 20:25 GMT 23:25 SGA

Obama iyo Romney ayaa mid walba waxa uu ku jiraa olole xooggan

Madaxweyne Obama iyo ninka la tartamaya ee xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney, ayaa ku jira qaybihii ugu dambeeyay ee ololihii ugu adkaa ka hor doorashada madaxtinimada ee maanta oo talaado ah ka dhacay waddanka Mareykanka.

Inta badan ra'yiga dadka laga aruuriyay ee gobollada aadka loogu loolamay isku heysto ayaa muujinaya in Obama uu xoogaa yar ku horeeyo tartanka loogu jiro aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.

Isagoo ka hadlayay banaanbax Florida, ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Mr Romney in uu dalka uun dib u dhigi doono.

Mitt Romney ayaa isna waxa uu sheegay in siyaasadaha Madaxweyne Obama ay fashilmeen.

Labada nin ayaa mid walba waxa uu khudbado u jeedinayay taageerayaasha xisbigiisa.

Tartankan madaxtinimada waddanka Mareykanka ayaa ah mid aad la isugu dhaw yahay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.