Obama ayaa dib loo doortay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Novermber, 2012, 09:05 GMT 12:05 SGA

Obama iyo Romney ayaa mid walba waxa uu ku jiraa olole xooggan

Doorasahada madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa Madaxweyne Obama waxa lagu soo warramay inuu ku guuleeystay codadkii loo baahnaa ee Electoral isaga oo helay 275, halka musharraxa la tartamaya ee Xisbiga Jamhuurigga Mitt Romney uu helay 203.

Iyada oo ay dhammaatay codeynta doorasahada madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa Madaxweyne Obama waxa uu ku guuleeystay Gobollada aadka la isugu hayay sida Ohio, Wisconsin iyo New Hampshire.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa inuu ku guuleeystay gobollada Michigan iyo Pennsylvania oo la filaya ninka la tartamaya ee Mitt Romney, inuu ka qaato xisbiga Dimuqraadiga.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Madaxtinimada oo ay ku tartamayaan Madaxweyne Obama iyo Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga.

Ololahan doorashada madaxtinimada ayaa ah kii ugu adkaa, isla markaana ay ku baxday lacagtii ugu badneyd taariikhda waddanka Mareykanka.

Inta badan ra'yiga dadka laga aruuriyay ee gobollada aadka loogu loolamay isku heysto ayaa muujinaya in Obama uu xoogaa yar ku horeeyay tartanka loogu jiro aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Mr Romney in uu dalka uun dib u dhigi doono.

Mitt Romney ayaa isna waxa uu ku celcelinayay in siyaasadaha Madaxweyne Obama ay fashilmeen.

Labada nin ayaa mid walba waxa uu khudbado u jeedinayay taageerayaasha xisbigiisa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.