Dhisme dumay oo ay dad ku dhinteen

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Novermber, 2012, 16:52 GMT 19:52 SGA

Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhintay

Dhisme weyn oo dabaqyo ah oo ku yaal magaalada Acra ee dalka Ghana ayaa duntay, halkaasi oo ay ku go'doomeen tobanaan dad ah.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga goobta ayaa sheegaya in ilaa hadda la xaqiijiyay afar qof inay ku dhinteen.

Shan qof oo kalena laga soo jiiday iyaga oo nool, dhismaha oo ku yaal bartamaha caasimadda Acra.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya in ilaa konton qof ay aaminsan yihiin inay ku jireen dhismaha markii uu dumayay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.