Wafdi loo diiday inay galaan Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Novermber, 2012, 16:14 GMT 19:14 SGA

Magaalada Kismaayo

Wafdi ka socda dawladda Soomaaliya iyo AMISOM oo maanta gaaray garoonka magaalada Kismaayo ayaa halkaa dib looga soo celiyay kadib markii saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ee halkaas gacanta ku haya ay u sheegeen wafdiga inaanay la socon imaanshiyahooda isla markaana maamulayaasha Soomaalida ee Kismaayo ay iyana u sheegeen inaanay jirin cid uga imanaysa Muqdisho.

Wafdiga dawladda iyo AMISOM oo ka koobnaa saraakiil ciidan iyo kuwa rayid ahba ayaa aakhirkii loo sheegay inay dib isaga laabtaan iyagoo galinkii danbe soo gaaray Muqdisho.

Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ahaa diyaarad waday koox wariyayaal ah oo dawladdu kaxaysay hayeeshee diyaaraddii qaaday ay uga soo tagtay garoonka, qaar kamid ah oo aan la hadlay waxa ay ii sheegeen inay joogaan teendho ku taala garoonka isla markaana loo sheegay inaanay cidna amaankooda dammaanad qaadi karin isla markaana ay dalbadaan diyaaradii keentay taasoo sida muuqata aan suurta gal ahayn hadda.

Xiriiro ay BBC la samaysay maamulayaasha Kismaayo ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan is hortaaga lagu sameeyay wafdigii ka socday dawladda federaalka ee dib looga celiyay garoonka Kismaayo.

Sidaas si lamid ah xiriiro aan la samayanay madaxtooyada Soomaaliya ayaan noo suurtoobin.

Wafdiga ka socda dawladda iyo AMISOM ee maanta laga soo celiyay magaalada Kismaayo ayaa horey uga baaqday laba jeer safaro ay ku tagi lahaayeen halkaasi taasoo loo aaneynayo khilaaf soo shaac baxayay oo u dhaxeeya madaxda ciidmada dawladda iyo kuwa Raskamboni ee gacanta ku haya Kismaayo iyo dawladda fadeeraalka ee fadhisa Muqdisho oo isku maandhaafay arimmo ay kamid yihiin maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo dhoofinta dhuxul taala dekadda magaalada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.