AMISOM oo waqtiga loo kordhiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Novermber, 2012, 23:48 GMT 02:48 SGA

Ciidanka Midowga Afrika waxa ay Soomaaliya ka hawlgalayeen ilaa 2007

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo afar bilood ah ku kordhiyay hawgalka ciidamada Midowga Afrika AMISOM, oo dhawaan waqtigoodi uu dhammaaday.

Go'aankan kordhinta xilliga hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo dhawaan dalka Uganda uu ku hanjabtay inay ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya iyo meelaha kale ee Afrika ee ay ka hawlgalaan, taasi oo ayay sabab uga dhigeen hadal QM ay ka soo saartay Uganda, oo lagu eedeeyay inay ku lug leedahay dagaalka Congo.

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa hawlgalkoodu bilowday sanadkii 2007, markaasi oo dowladdii KMG ee Soomaaliya ay codsatay.

Inta badan ciidanka AMISOM waxa ay ka kala socdaan dalalka, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Kenya oo dhawaan ku biirtay AMISOM, waxaa kale oo jira ciidan booliis ah oo ka socda dalal kale oo Afrika ah sida Nigeria.

Ciidanka Midowga Afrika ayaa waxa ay dagaal kula jiraan kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.