Agaasimaha BBC ayaa is casiley

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Novermber, 2012, 22:08 GMT 01:08 SGA
George Entwistle

George Entwistle

Agaasimihii Guud ee BBC, George Entwistle - oo xilka la wareegey bishii September, ayaa is casiley.

Mr Entwistle waxaa uu xilka uga degey sida uu u maamuley war ay sii deysey BBC-da, barnaamijkeeda caanka ah ee la yiraahdo Newsnight oo laga baahiyo telefishanada maxalliga ee BBC.

Barnaamijkaasi waxaa uu si qaldan ugu eedeeyey siyaasi hore oo British ah inuu ku lug lahaa tacadiyo carruur loo geystey.

BBC iyo barnaamijka Newsnight ayaa waxaa horeyba ugu socdey baaritaan xooggan oo la xiriira inay dhinac iska dhigeen baaritaan ku saabsan carruurta oo tacadiyo galmo ah lagu sameeyay, oo lagu eedeeyay inuu geystey Jimmy Saville oo ahaa weriye caan ah oo BBC ka tirsanaa.

Mr Entwistle waxaa uu sheegey inuu rumeysan yahay in weli BBC ay ku jiraan dad sharaf iyo karti badan leh.

Guddoomiyaha Guddiga maamulka ee BBC, Lord Patten waxaa uu sheegey in Mr Entwistle uu u dhaqmey si sharaf leh.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.