Israaiil ayaa rasaas ku ridday Suuriya

Ciidanka Israaiil iyo Suuriya iska hor imaad dhexmara waxa ugu danbeeyay dagaalkii 1973

Ciidanka militeriga Israaiil ayaa sheegay in rasaas digniin ah ay ku rideen dhinaca dalka Suuriya, kadib markii gantaal ka yimid dhinaca Suuriya oo uu ku dhacay saldhig Israaiil oo ku yaal buuraleyda la heysto ee Golan Heights.

Waa markii ugu horreysay ee labada dhinac ay rasaas is weydaarsadaan tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1973.

Militeriga Israaiil ayaa sheegay in madfaca ka yimid Suuriya uu ahaa mid habow ah oo ka yimid dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo mucaaradka.

Israaiil iyo Suuriya ayaa farsamo ahaa dagaal uu ka dhaxeeyaa, ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ayaa ayaana roondo ku sameeya dhulka u dhaxeeya labada dal.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.