Muranka ka taagan BBC

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Novermber, 2012, 11:52 GMT 14:52 SGA

Madaxa wararka ee BBC, Helen Boaden, iyo ku xigeenkeeda, Steve Mitchell

Ku simaha Agaasimaha Guud ee BBC, Tim Davie ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka horyaal BBC.

Tim Davie waxa uu sheegay in uu sameyn doono khad cad oo ku saabsan cidda masuulka ka ah wararka.

Madaxa wararka ee BBC, Helen Boaden, iyo ku xigeenkeeda, Steve Mitchell, ayaa dhinac uga wareegay xilkii ay hayeen inta ay ka dhammaaneyso baaritaanka barnaamij BBC oo la joojiyay oo ku saabsanaa eedeymaha xadgudubka carruurta ee Jimmy Savile.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay markii uu is casilay Agaasimihii Guud ee BBC, George Entwistle sabtidii.

Mr Entwistle ayaa xilka ka degay kadib warbixin uu sii daayay telefishin BBC oo gudaha la hadlo, oo si qalad ah siyaasi hore oo British ah loogu eedeyay inuu xadgudub ku sameeyay carruur.

Email uu shaqaalaha u diray Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee BBC, Tim Davie ayaa waxa uu ku sheegay inuu wax ka qaban doono waxa uu ku tilmaamay kala caddeyn la'aanta cidda masuulka ka ah tifaftirka iyo maamulidda wararka BBC.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.