42 booliis ah ayaa lagu dilay Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Novermber, 2012, 18:48 GMT 21:48 SGA

Askari ka tirsan kuwa ku dhaawacmay weerarka

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in tirada ciidanka booliiska ee lagu dilay weerarkii sabtida ay hadda gaartay ugu yaraan afartan.

Dad goobjoog ah iyo warar booliiska laga helay ayaa sheegaya in meydad dheeraad ah laga helay maanta degaanka Sambru County ee waqooyiga dalka.

Dadka degaanku waxay sheegeen in laga cabsi qabo in rabshado dheeraad ah dhacaan, iyadoo xiisad ay ka taagan tahay degaanka oo la geeyay ciidamo aad u hubeysan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.