Xukuumadda cusub ayaa la ansixiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Novermber, 2012, 13:52 GMT 16:52 SGA

Golaha Wasiirada cusub ee la ansixiyay

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Aqalka baarlamaanka ayaa waxa ku sugaan 225 mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka, 219 Mudane ayaa codkooda siiyay xukuumadda cusub ee Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, 3 Mudane ayaa diiday, halka 3 ay ka aamustay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hor yimid baarlamaanka oo la hadlay, iyadoo ay goob joog ahaayeen Raiisul Wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubnaha cusub ee golihiisa wasiiradda.

Ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa lagu waday inay dhacdo maalintii Sabtida, oo dib u dhac uu ku yimid.

Golaha wasiirada cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu tirada yaraa, waxaana ay ka kooban yihiin toban wasiir oo laba ka mid ah ay yihiin haween.

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Madaxa wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo siyaasadda, Catherine Ashton ayaa sheegay in Midowga Yurub uu u hambalyeynayo Raiisul Wasaaraha Abdi Farah Shirdon 'Saacid'

Qoraalka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay rajeynayaan inay la shaqeeyaan golaha cusub ee wasiirada.

Dhinaca Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda cusub.

Golaha cusub waxaa ku jira haweeneydii ugu horreysay ee noqota Raiisul Wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibedda

Xubnaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa waxaa ay kala yihiin:

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshada

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.