Xi Jinping ayaa hoggaamin doona Shiinaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Novermber, 2012, 09:47 GMT 12:47 SGA

Xi Jinping waa hoggaamiyaha cusub ee dalka Shiinaha

Xi Jinping ayaa noqday hoggaamiyaha cusub ee Shiinaha, waxaana uu sheegay in Xisbiga Shuuciga ee talada haya ee Shuuciga uu wax ka qaban doono musuqmaasuqa.

Mr Xi ayaa isaga oo dhoola-caddeynaya, gacantana haatinaya waxa uu galay aqalka weyn ee Shacabka Shiinaha ee magaalada Bijiin, kadib markii uu la wareegay jagooyinka sarsare ee Xisbiga iyo militeriga awoodda badan ee Shiinaha.

Waxa uu madax u noqonayaa dal dadkiisu yihiin 1.3 bilyan, dhaqaalahiisuna yahay midka labaad ee adduunka ugu weyn, inkasta oo uu si gaabis ah ku socdo.

Kooxda hoose ee hoggaanka dalka Shiinaha, ayaa waxa lagu soo koobay toddobo xubnood, kuwaasi oo dhan ka mid ah yihiin kuwo cusub.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.