Israaiil oo laga dilay saddex askari

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Novermber, 2012, 18:45 GMT 21:45 SGA

Ugu yaraan 15 ayaa ka dhintay Falastiin

Masuuliyiinta Israaiil ayaa sheegay in saddex ciidanka Israaiil ka tirsan ay ku dhinteen gantaal Falastiini ah oo laga so riday Marinka Qasa.

Waxa ay sheegeen in gantaalku ku dhacay dhisme ku yaal magaalada Kiryat Malachi, oo ah dhinaca koonfureed ee dalka.

Mar sii horreysay ugu yaraan saddex kale oo Falastiini ah ayaa lagu dilay weerar cirka oo Israaiil ay ku qaadday Qasa, taasi oo ilaa shalay ka dhigeysa tirada ku dhintay 15 Falastiini ah.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga magaalada Qasa ayaa sheegaya in uu arkayay tiro gantaallo ah oo lagu ridayo dhinaca Israaiil iyo qiiq cirka u baxay.

Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay arkii Shalay la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa militeriga Xamaas, Axmed Jabari.

Munaasabad aas ah ayaa la sameeyay hoggaamiyahaasi taasi oo ka dhacday Qasa.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, William Hague ayaa sheegay in Xamaas ay qaadaneyso masuuliyadda dhibaatada taagan hadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Masar, Maxamed Morsi ayaa cambaareeyey weerarada Israaiil oo uu sheegay inay sii kordhinayaan ammaan darrida gobolka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.