Israel oo kordhisay weerarka Qasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Novermber, 2012, 10:10 GMT 13:10 SGA
Burburka Qasa

Qasa ayaa burbur kale uu weerarka u keenay iyadoo afar sano oo kaliya laga joogo weerarkii 2008 oo ay ku dhinteen 1400 oo qof.

Ciidamada cirka ee Israel, ayaa weeraray xafiiska Raiisalwasaaraha iyo dowladda Xamaas ee Qasa. Maalintii afraad ayay Israel weerar ku haysaa Falastiiniyiinta.

Israel ayaa sheegtay inay qaaday in ka badan boqol iyo siddeetan weerar tan iyo xalay habeen barkii. Waxay sheegtay inay qasaaro wayn u gaysatay godad loo isticmaalo in madaafiic Israel looga soo rido, oo ay ku jiraan magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus (Jerusalem)

Ugu yaraan soddon iyo afar falastiiniyiin ah iyo Saddex reer Israel ayaa la dilay tan iyo intay weerarka uu bilaabmay Arbacadii.

Jimcihii dowlada Israel ayaa ansixisay in loo yeero ilaa toddobaatan iyo shan kun oo ciidamo kayd ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.