Weerarka Qasa oo socda maalintii shanaad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Novermber, 2012, 11:17 GMT 14:17 SGA
Dad reer Israel ah oo degan magaalada Tel Aviv

Dad reer Israel ah oo degan magaalada Tel Aviv oo ka soo horjeeda weerarka ay Israel ku qaadayso Qasa.

Raiisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu diyaar u tahay inuu balaariyo howlaha milatari ee looga soo horjeedo Xamaas oo ka talisa Magaalada Qasa, si ay u joojiyaan madaafiicda ay ku soo ridayaan dhulka Israel.

Weerarka cirka ee Qasa ayaa sii socda. Laba dhismo oo ay degan yihiin shaqaale warfaafin ee ajnabi iyo kuwa dalka ayaa xalay ay Israel weerartay, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr wariyayaal.

Milatariga Israel ayaa sheegay inay beegsanayaan anteenayaal ku xiran dhismayaasha korkooda oo ay isticmaalaan Xamaas.

Wasaarada caafimaadka ee Xamaas, ayaa sheegtay in in ka badan konton qof ay ku dhinteen weerarka Israel. Kala bar dadka dhintay waa dad rayad ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.