Bas lagu qarxiyay xaafadda Eastleigh

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Novermber, 2012, 14:57 GMT 17:57 SGA

Baska la qarxiyay

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay, ilaa soddon kalena waa ku dhaawacmeen, markii bambaano lagu tuuray bas ka shaqeeya xaafada Eastleigh, ee magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow kaniisad ku taala xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalida ku badan tahay.

Dhalinyarp careysan ayaa wararku sheegayaan in qarax kadib ay weerareen goobaha Soomaalidu deggan tahay, iyo goobaha ganacsiga Soomaalida.

Weerarka kaniisadaha ayaa kordhay tan iyo intii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.