Goobaha ganacsiga Eastleigh ayaa xiran

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Novermber, 2012, 11:47 GMT 14:47 SGA

Qaraxa xaafadda Eastleigh

Goobaha ganacsiga Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa maanta xiran, kadid qaraxii shalay ka dhacay halkaasi.

Waxaa jirtay in goobaha ganacsiga ee Soomaalida la weeraray qaraxa kadib, ciidan booliis ah oo badan ayaa la geeyay xaafadda.

Dhalinyaro hubeysan oo careysan ayaa shalay galab ilaa xalay weerar ku qaaday xaafadaha Soomaalidu deggan tahay, iyo goobaha ganacsiga Soomaalida ay ku leedahay Eastleigh.

Dhinaca kale askari ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi.

Lama oga cidda weerarka geysatay laakiin waxaa wararku sheegayaan in goobihii ganacsiga magaalada la xiray intooda badan.

Weerarada iyo qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ayaa kordhay tan iyo intii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.