Xaaladda magaalada Garisa oo qasan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Novermber, 2012, 16:11 GMT 19:11 SGA

Magaalada Garisa oo dab ka baxayo

Wasiirka Gaashaandhiga ee Kenya, Maxamed Xaaji Yusuf ayaa cambaareeyay falalka ay ciidanka ammaanka ee Kenya ay ka geysteen magaalada Gaarisa.

Ciidanka ayaa wasiirku uu sheegay inay dad xirxireen, kuwo garaaceen, halka dad kalena guryahoodii la gubay ama la bilileystay.

Wasiirku waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay, isaga oo balanqaaday in caddaaladda la hor keeni doono cid walba oo qalad geysatay maanta.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii 3 askari oo ka tirsan ciidanka ammaanka maanta lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi.

Lama oga cidda weerarka geysatay laakiin waxaa wararku sheegayaan in goobihii ganacsiga magaalada la xiray intooda badan.

Weerarada iyo qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ayaa kordhay tan iyo intii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.