21 Israaiili ah ayaa dhaawacmay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Novermber, 2012, 14:53 GMT 17:53 SGA

Ugu yaraan toban ayaa ku dhawaacmay baskan

Ugu yaraan labaatan iyo kow qof oo Isaariili ah ayaa ku dhaawacmay markii uu qarax ka dhacay bas marayay magaalada Tel Aviv.

Television Israaiil ayaa soo saaray sawirada bas taagan jidka qarkiisa meel ka soo horjeeda xarunta dhexe ee difaaca Israaiil, iyadoo basku daaqadaha ka jajaban yihiin qaacna uu ka baxayo.

Afhayeen u hadlay Raiisul Wasaaraha Israaiil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay dhaawaca, waxaana uu ku tilmaamay weerar argagixiso.

Militeriga Israaiil ayaa sheegay in bambooyin xalay ay ku garaaceen in ka badan boqol goobood oo ku yaal magaalada Qasa, iyadoo ay socdaan dadaalada xagga dilblomaasiyadda ee la isku dayayo in xabbad-joojin lala gaaro Xamaas.

Diyaaradaha dagaalka, helikobtaro iyo maraakiibta dagaalka ayaa la isticmaalay.

Dhisme ay maamulku leeyihiin oo ku yaal agaalada Qasa ayaa la burburiyay; Israaiil waxay sheegtay inay ahayd xarunta taliska dhexe ee Xamaas.

Qeybo badan oo ka tirsan magaalada Gaza ayaa koronto la'aan ah.

Israaiil waxay sheegtay inay ka hortagtay laba gantaal oo Falastiiniyiintu xalay rideen.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya in militeriga Israaiil ay caddeeyeen inay doonayaan xabbad-joojin waqti dheer ah oo aanay dooneyn mid ku meel gaar ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.